Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso::Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Cadaado, Sheegeyna in Shirka uu Halkaasi Ka Furmayo

fff

Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud Waxaa Maanta Gaaray madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuuna sheegey in shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe uu halkaasi ka furmayo maalmo gudahood.

“Runtii nasiib darro weeye in muddo 9 bilood ah ay kasoo wareegtey xiligii la saxiixay heshiiskii taariikhiga ahaa, maamulkooda lagu mideyn lahaa labadaan gobol” ayuu yiri Qeybdiid oo intaasi ku daray “Insha alaahu Tacaala maalmaha soo socda haddii illaahay idmo aan rajaynayno, sida in halkaan uu ka furmo shirkii maamulka loogu dhisi lahaa gobolada Mudug iyo Galgaduud, dhawaana uu furmayo”

Qeybdiid ayaa soo dhaweeyey shirkii dub u heshiisiinta ee beelaha “Sidoo kale waxaan soo dhaweyney shirkii nabadda ee lagu hayay Dhuusamareeb”

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka Madaxweynaha Galmudug

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news