Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso::Maraakiibta Sharci Darrada Uuga Jallaabta Xeebta Hobyo Oo Loo Hanjabay

6

Maamulka degmada Hobyo Ee Gobolka Hobyo ayaa sheegay in marnaba aanay gacmaha ka laaban doonin maraakiibta shisheeye ee caadeystay in ay xaalufiyaan Kheyraadka badda, gaar ahaan xeebta Hobyo iyo xeebaha kale ee ku dhaw halkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Bashiir Cabdi Caddow ayaa sheegay in digniin badan ay u direen dhammaan maraakiibta shisheeye iyo sidoo kale dalalka ay ka yimaadeen, wixii intaan ka dambeeyana ay tallaab ka qaadi doonaan.

Waxa Uu Tilmaamay in Ciidamadii Galmudug loogu Soo Tababaray Ilaalinta Xeebaha Ay Hada Kusugan Yihiin Hobyo islamarkaaana Ay Qaadi Doonaan Howlgal Ka Dhan Ah Maraakiibta Shisheeye Ee Ka Jallaabta Xeebaha Galmudug Gaar Ahaana Hobyo

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in kalluumaysatada ku dhaqan Hobyo ay dhibaato ku qabaan maraakiibtaasi, hase ahaatee ay ka maamul ahaan u difaaci doonaan.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka degmada Hobyo ee Galmudug ayaa sheegay in ilaa 7 doon oo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen ay ku sugan yihiin xeebahaasi, balse ay digniin u direen wadamada laga leeyahay Doonyahan.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news