Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso::Safiir Axmed Cabdisalaan hadalkii uu ka jeediyay markii uu gaaray Degmada Dh/mareeb+Wararkii Ugu Dambeeyay

axmed

Maalintii Shalay Waxaa Degmada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galguduud Gaaray Wafdi Uu Hogaaminayo Safiirka Soomaalia Ee Eithopia Kaasi oo Si Diiran Loogusoo Dhaweeyay Halkaasi.

Soo Dhaween Ka Dib Waxaa Wafdiga Axmed C/salaan Loogud Biyay Hoolka Ay Kusugan Yihiin Odoyaasha Kusugan Degmadaasi isagoo Halkaasi Kasoo Jeediyay Qudbad La Xariirta Dadaalka Loogu Jiro Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Qudbada Oo Dhameestiran


Dhanka Kale Habeenkii Xalay Ahaa Waxaa Degmada Dhuusamareeb Kasoconayay Kulamo Safiirka Uula Qaadanayay Odoyaasha Dhaqanka Ee Kusugan Dhuusamareeb.

Kulamadaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo looga hadlayay arimo ku saabsan maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka xilligaan jira.

Inkastoo kulamadaan aan laga bixin wax faah faahin ah ayaa hadana warar ay heshay Warbaahinta Codkamudug Waxa ay sheegayaan in kulamo kale uu maanta la yeelan doono qaar kale oo ka mid ah Odayaasha Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada Dhuusamareeb ayaa doonaya in degmadaasi lagu qabto shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, inkastoo weli go’aan rasmi ah lasoo saarin.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news