Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:Ururka Saxafiyiinta Bartamaha Somalia Ee Tayo oo Dowlada Somalia Ka Dalbaday inay Xoriyadiisa Siiso Wariye Cabdifitaax Kalgacal oo U Xiran Ciidamada Dowlada

TAYOOO

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Bartmaha Somalia Ee Tayo Maxamed Siciid Soomaali oo Maanta Shirjaraa,id Ku Qabtay Magaalada Gaalkacyo Ayaa Cambaareeyay Xariga Wariye  C/fitaax Xasan Axmed Kalgacal oo U Xiran Ciidamada Dowlada.

Waxa Uu Yiri Gudoomiyaha“Ururka Saxafiyiinta bartamaha Soomaaliya ee Tayo wuu cambaareynayaa xariga dowladda ay u geystay wariye Kalgacal, wey ka bedaln tahay tani xarigii loo geysan jiray saxafiyiinta, Kalgacal araga ayuu naafo ka yahay hadana u shaqeynayay bulshadiisa, marka tani waxay kasoo horjeedaa xuquuqda aadanaha, mana qabto in sidaan loola dhaqmo wariye araga naafo ka ah”

Ugu dambeyn Gudoomiye Maxamed Saciid ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah kusoo dayso Wariye Cabdifitaax Xasan Axmed Kalgacal, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay saxafiyiinta Soomaaliyeed in taasi ay ka dhiidhiyaan.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news