Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:Wararkii Ugu Dambeeyay Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe

212

Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Farsamada Maamul Usameenta Gobolada Dhexe Ee Dalka Somalia Ayaa Sheegay in Maalmaha Soo Aadan Ay Ku Wajahan Yihiin Magaalada Cadaado islamarkaana Dhawaan uu Furmayo Shirka Maamulka Loogu Sameenayo Gobolada Mudug iyo Galguduud.

Maxamed Xaashi Cabdi Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Farsamada Maamul Usameenta Gobolada Dhexe Waxa Uu Tilmaamay in Gudigu uu Wax Badan Uqabsoomay Kaasi oo La Xiriira Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe isagoo Tilmaamay in Maalmaha Soo Aadan Ay Cadaado Tagayaan oo 25- bishan March uu Furmayo Shirka Maamul Usameenta Gobolada Dhexe.

Si Kastaba Dhawaan Ayee Ahayd Markii Gudoomiyaha Gudiga Amniga Ee Gudiga Farsamada Uu Shaaciyay in Dib Loo Dhigay Furitaanka Shirka Maamul Usameenta Gobolada Dhexe Sababo La Xiriira Amniga Halka uuka Dhacayo Shirka Waxaana Sidoo Kale Arintan Furitaanka Shirka Ee 25-Bishan March Uukusoo Beegmayaa xili Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb Ay Codsadeen in La Shaaciyo Xiliga Rasmiga Ah Ee Shirka Uu Furmayo.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news