Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:Waxgarad Kasoo Jeeda Puntland Oo Ka Digay Shirka Ka Furmi Doona Cadaado

caaa

Waxgaradka kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland qaarkood ayaa ka digay shirka la filayo in dhawaan uu ka dhaco degmada Cadaado ee gobalka Mudug, kaasi oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Nabadoon Colaad Maxamed Saciid oo Saxaafada La Hadlay Waxa uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid la doonayo in la’isaga horkeeno dadka wada degan gobalka, sidoo kalena shirkaasi caqabad ku yahay jiritaanka maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in Dastuurka la hareer marayo, islamarkaana hadii la doonayo in maamul la sameeyo ay ku haboon tahay in faraha lagala baxo deegaanada maamulka Puntland uu ka taliyo.

“Jubbaland waa Seddax Gobal, Koonfur Galbeed waa Seddax Gobal, hadaba maxaa meelaha Puntland ka taliyo loogu soo cararayaa oo looga cararayaa Hiiraan haba lagu daro kista yare e Gal-mudug, sababta loogu soo qaloocinaayo Mudug waa dhiilo colaadeed” ayuu yiri Nabdoon Colaad.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Nabdoon Colaad Maxamed Saciid in xalka uu ku jiro in lagu dhaqmo dastuurka KMG ee dalka u yaalla, meesha laga saaro wax walba oo Is qabqabsi keeni kara.

Dhawaan waxaa la filayaa in degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud uu ka furmo shirka maamulka loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news