Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:Xilka Qaadista Guuleed Ma Xaqbaa Mise Xal [Faallo Xiiso Leh] By Mahad America

Xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa 8 dii bishaani January ee sanadka 2017 kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado ee gobalka galgaduud waxa ay ku shaaciyeen in mooshin xilka qaadis ah ay ka keeneen madaxwaynaha galmudug cabdi kariin xuseen guuleed oo ay sheegeen in uu jabiyay dastuurka u yaala maamulka galmudug

Mooshinkaasi ayaa waxaa soo gudbiyay 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka galmudug sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka galmudug xareed cali xareed

Go.aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Ka Hor inta aysan mooshinka keenin baarlamaanka galmudug ayaa waxaa la fasaxay xildhibaanada baarlamaabka galmudug oo lagu waday in kala fadhigooda afaraad uu furmo 7dii bishaan January balse kala fadhigaasi dib loo dhigay sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka galmudug cali gacal casir oo sheegay in 45 cisho oo fasax ah loogu daray baarlamaanka galmudug ayadoo la qaymaynayo xaalada adag ee haatan ka jirta deegaanada galmudug iyo guud ahaanba soomaaliya Laakiinse xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa go.aankaasi dhag jalaq usiin waxayna si caadi ah kala fadhigooda afaraad ugu furteen magaalada cadaado oo ay kaga dhawaaqeen mooshin ka dhan ah madaxawayne guuleed
Aragtida Guuleed Ee Mooshinka Laga Keenay

C/kariin xuseen guuleed madaxwaynaha galmudug ayaa xiligaasi ku tilmaamay mooshinka laga keenay mid aan haboonayn wuxuuna sheegay in xiligaan lagu jiro xaalad kala guur ah
Baarlamaanka Galmudug Oo Xilka Ka Qaaday Madaxwayne Guuleed
Ka dib dood qaadatay mudo laba maalin ah 10 kii bishaan January xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magalada cadaado waxa ay kaga doodeen mooshin baarlamaanka horyaalay oo ku saabsanaa in xilka laga qaado madaxwaynaha galmudug baarlamaanka ayaana ucodeeyay mooshinkaasi 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka galmudug ayaa ucodeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxwaynaha galmudug mana jirin cid diiday ama ka aamustay sida uu sheegay xareed cali xareed gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka galmudug oo kala fadhiga shir.gudoominayay
Sharci Ahaanshaha Xilka Qaadista Madaxwaynaha Galmudug
Markii uu soo ifbaxay mooshinka xilka looga qaaday madaxwaynaha galmudug ayaa waxaa dhashay muran ku aadan sharci ahaanshaha mooshinkaasi xilka qaadista ah maadaama uusan joogin gudoomiyaha baarlamaanka galmudug oo safar ugu maqnaa magaalada muqdisho ayna ahayd kala fadhiga in uu furo gudoomiyaha baarlamaanka balse gudoomiyuhu uu baarlamaanka fasaxay hasayeeshee baarlamaanka galmudug ayaa sheegay in mooshinka xilka looga qaaday madaxwayne guuleed uu yahay mid sax ah
Madaxwaynaha Galmudug Oo Ka Hor Yimid In Xilka Laga Qaaday

Madaxwaynaha galmudug c/kariin xuseen guuleed ayaa durbaba ka hadlay mooshinka xilka looga xayuubiyay wuxuuna ku tilmaaamay mid aan sharciyaysnayn maadaama baarlamaanka la fasaxay dadka mooshinkaasi wadayna ay ahaayeen kuwo qaswadayaal ah sida uu ku andacooday c/kariin xuseen guuleed madaxwaynaha galmudug
Go.aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug
Cali gacal casir waa gudoomiyaha baarlamaanka galmudug wuxuu sheegay in baarlamaanka uu u kordhiyay waqtiga fasaxa ayna fasax ku jiraan xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayadoo la qaymaynayo abaaraha ka jira deegaanada galmudug iyo doorashooyinka dalka haatan ka socda maamulka galmudug ayuu ku tilmaamay mid curdun ah oo aan wali hana qaadin uuna wado dadaalo badan balse aysan ahayn in laga hordhaco
Aragtida Shacabka Galmudug Ee Xilka Qaadista Guuleed
Go,aanka ay baarlamaanka galmudug xilka kaga qaadeen madaxwayne c/kariin xuseen guuleed ayaa waxaa siyaaba kala duwan uga hadlay shacabka galmudug ayagoo inta badan soo dhaweeyay in xilka laga qaado guuleed balse aysan waqtigaan adag ku haboonayn baarlamaankana looga baahnaa in ay dib udhigaan mooshinkaasi
Wax Qabadkii Galmudug Looga Fadhiyay
Maamulka galmudug ee uu hormuudka ka yahay madaxwayne c/kariin xuseen guuleed oo xilkaas loo doortay 4 July , 2015 oo haatan laga joogo mudo ku dhow laba sano ayaa laga sugayay in uu wax badan u qabto bulshada gobalada dhexe gaar ahaan gobalada mudug iyo galgaduud oo maamulka loo dhisay wuxuuna maamulka galmudug haystay fursado badan oo ay ka mid ahayd dadka gobalada dhexe oo lagu xaman jiray in ay aad udiidi jireen dawladnimada oo markii ugu horaysay usoo jeestay in ay wax qabsadaan oo la tartamaan dalka intiisa kala balse dadka falaqeeya siyaasada galmudug ayaa sheegaya in maamulka galmudug ee uu madaxawaynaha ka yahay c/kariin xuseen guuleed uusan ka faa.idaysan fursadihii horyaalay

Maamulka galmudug ayaa laga sugayay hormarinta deegaanada galmudug iyo dib uhashiisiin uu dhex dhigo dadka reer galmudug ee mudada dheer dirirtu ka dhaxaysay balse maysan dhicin taas
Maxay La Kowsatay Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa la kowsaday dagaalo iyo dhibaatooyin hor leh oo aan horay uga jirin deegaanada galmudug xataa markii aysan maamulka lahayn

Dagaalo dhowr ah ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan galmudug intii uu xilka hayay c/kariin xuseen guuleed sida dagaalkii uu dhiiga badan ku daatay ee gaalkacyo oo dhacay dhowr jeer una dhexeeeyay galmudug iyo puntland kii ka dhacay xadka galmudug iyo kilinta shanaad iyo dagaalo dhex maray galmudug iyo ahlusuna oo ilaa iyo haatan haysata caasimada galmudug ee dhuusamareeb lagana sugayay in maamulka galmudug uu wada hadal la furo maamulkaasi laakiinse aan lagu guulaysan oo ilaa iyo haatan ahlusuna ay tahay koox si gaar ah uga gadoodsan galmudug

Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarintooda ayaa sidoo kale looga fadhiyay maamulka galmudug sida dhismaha dakada hobyo oo haatan ushaqaysa si kmg ah in kastoo madaxwaynaha galmudug uu dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu samaynayo dakada hobyo balse ilaa iyo haatan ma jirto wax dhismaha ah oo dakada hobyo lagu bilaabay
Gunaanad Su,aaasha Is Waydiinta Mudan
Isku soo wada duuboo dadka reer galmudug iyo kuwa soomaaliyeed ayaa siyaaba kala duwan u arka mooshinka xilka looga qaaday madaxwaynaha galmudug c/kariin xuseen guuleed waxayna qaar kood ku tilmaameen mid xaq ah halka kuwo kalana ay ku sheegeen mid xal loo arkay balse su.aasha wali taagan ayaa ah xilka qaadista guuleed ma xaqbaa mise xal

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Warbxin Oo Uu Diyaariyay Soona Jeedinayao Wariye Mahad Daahir Maxamed [America] Oo Ka Tirsan Codkamudug radio

W/Q:Wariye Mahad Daahir Maxamed [Mahad America]
Tell:0619672840 Ama 0907521858
mahadamerico@gmail.com

Codkamudug.com

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news