Dahabshiil-Gif
 
|

Dhageyso:-Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay koox si sharci darro ah canshuur uga qaadaanayay Suuqa

boolisCiidanka Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Galkacyo ayaa maanta xabsiga utaxaabay Saddex nin oo ka mid ahaa Maleeshiyo hubaysan kuwaas oo khal-khal galiyay amaanka Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Gobleedka Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar oo shir jara’id Saxaafadda ugu qabtay Magalaada Gaalkacyo ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen Maleeshiyo hubaysan oo qalalaase ka waday suuqyada Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ragga la soo xiray ay si sharci darro ah ku soo sameeyteen boonooyin isla markaana sheeganayeen inay yihiin Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyagoona shacabka ku qasbaayay inay siiyaan canshuurta.

Halkaan ka dhagayso codka Taliyaha Booliska Galmudug

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news