Dahabshiil-Gif
 
|

DHAGEYSO: Galmudug oo Gaalkacyo kusoo bandhigtay rag dil geystay

 

Galmudug ayaa waxa ay xalay Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigeen shan nin oo dhawaan dad Shacab ah oo haween iyo Carruur ay ku jiraan ku dilay degaan oo hoos yimaada degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

 

 

 

Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug G/shaanle dhexe  Maxamed Cilmi Gulaafe ayaa Saxaafada u sheegay in raggaan laga soo qabtay Bariga gobolka Mudug ka dib howlgal culus oo ay saameeyeen Ciidamada maamulka Galmudug.

 

 

Waxaa uu tilmaamay Gulaafe in raggaasi ay la dagaalameen Ciidamada , islamarkaana ugu dambeyntii Ciidamada Ammaanka ay qabteen raggaasi oo bad qaba.

 

Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug  ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in raggaasi ay ku xiran yihiin Saldhiga degmada Gaalkacyo

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news