Dahabshiil-Gif
 
|

DHAGEYSO: Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil Gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa KM0 iyo Garoonka Kubadda Kolleyga ee Wiish Stadium ee magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari BL-ah oo ay saarnaayeenn dad shacab ah iyo Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacantay laba Askari oo saarnaa gaariga Cabdi Bilaha ah, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka Imaaraadka.

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo saarnaa Gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa warbaahinta u sheegay Darawalkii waday Gaariga BL-ka in uusan qibrad u laheyn wadista Gaariga, taasina ay keentay in uu ku dhaco Gaariga ay wateen Ciidamada.

Sawirro laga soo qaaday shilkan ayaa muujinaya Gaariga Cabdi Bilaha ah oo gadoomay, bur burna uu ka soo gaaray qeybta hore, halka Gaariga BL-kana uu soo gaaray burbur.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news