Dahabshiil-Gif
 
|

DHAGEYSO: Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir ka furmaya USA

Shir looga hadlayo kobcinta iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu ka furmayaa dalka Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ka furmaya dalka Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 120 wadan oo ay ku jiraan wadamada taageera Soomaaliya iyo waliba wadamo kale.

Bangiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka IOM ayaa soo qaban qaabiyay shirkan, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahin ka bixiyay ajandaha Soomaaliya ay la tageyso shirkan.

Dhinaca kale Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay lacago xad dhaaf ah in lagu leeyahay Soomaaliya, wuxuuna sheegay wadamada qaar in ay kala hadlayaan sidii Soomaaliya loogu cafin lahaa lacagahaasi,

W/Q: MAXAMMED MUXIYADIIN SAXANSAXO 

Hoos Ka Dhageeso Codka 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news