Dahabshiil-Gif
 
|

Dhalinyaro ka mid Noqoneysa Ciidanka Badda Galmudug oo Tababar looga furay Gaalkacyo

ciiiiiiiiiiiiiidan cusub

Qeybtii sadexaad Ee Ciidamo lagu biirinayo Ciidamada badda Ee Galmudug Ayaa Tababar Uuga Furmay Magaalada Gaalkacyo Ee xarunta Galmudug iyadoo Ay tababarkani bixinayaan saraakiil khubaro ah oo ku xeeldheer arrimaha badda.

Ciidamadan ayaa muddo tababarkan ku qaadan doona Magaalada Gaalkacyo iyadoo kadibna loo qaadi doono dalka dibediisa si ay u qaataan tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira ilaalinta xeebaha dowlad Goboleedka Galmudug si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeedka iyo argagaxisada.

Wasiirka kaluumeysiga,kheyraadka badda iyo dekedaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane C/qaadir Cali jaamac Qalabxoor Ayaa sheegay in ciidamadan ay muhiimad Gaar Ah u leeyihiin deegaanada Galmuudg iyo Guud Ahaan badda Soomaaliya maadaama sida uu Tilmaamay Ay bateen burcada ka qowleysata xeebaha gobollada dhexe isagoo xusay inay ku filnaan doonaan ilaalinta xeebaha iyo ka hortaga burcadbadeeda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay kordheen maraakiibta badaheena ka gurta kalluunka iyo macdanta sidaa darteedna loo bahaanyahay in laga hortago xaalufka ay maarakiibta shisheeye ku hayaan xeebaheena.

Horay Ayaa mudo laba jeer Ah Waxaa Dalka Jabuuti Tababar Uuga soo qaatay ciidamada badda Galmudug kuwaasoo xiligan howlo muhiim ah ka haya deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

XAFIISKA WARARKA-RADIO CODKAMUDUG

WQ: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news