|

Dhaqaatiir ka socda dalka Turkiga oo shaley gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Dhaqaatiir ka socda dalka Turkiga oo shaley gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa lagu wadaa in ay maanta halkaas ka bilaabaan aeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah.

Sida uu sheegay saxaafadda Madaxa xarrunta Gaalkacyo Specialist Hospital  Professor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac ayaa sheegay dhaqaatiiran oo afar ah in waxa ay dhowr maalin howlo caafimaad ka sameen doonaan xarunta Gaalkacyo Specialist oo ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in dhaqaatiirta Turkiga ay fulin doonaan inta ay joogan Gaalgacyo adeegyo caafimaad oo isugu jira qalliin, daweynta cudurrada guud, kuwa ku dhaca haweenka iyo carruurta.

Maamulka Galmudug ee ka arrimiyaha koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin dhaqaatiir Turki ah in ay yimaadaan Mudug kuwaas oo adeegyo caafimaad siinaya dadka ku dhaqan meelaha ay maamulaan.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta, oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in ujeedkoodu uu la xiriiro siddii ay gargaar caafimaad u siin lahaayeen bukaanada ku dhan Gobalka Mudug, waxana uu meesha ka saaray howlaha ay u joogaan koonfurta Gaalkacyo aanay jirin wax siyaasad ah oo ay la xiriirto howsha ay qabanayaan.

Turkiga oo kaalin muhiim ka qaatay dadaalada Soomaaliya ayaa dhaqaatiir ka socda waxa u booqdeyn magaalada Garoowe ee xarunta Punland halkaas oo adeegyo caafimaad ay ka fuliyen.

7 Responses for “Dhaqaatiir ka socda dalka Turkiga oo shaley gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug”

  1. JUMCAALE says:

    Maamulka Galmudug ma koofurta Gaalkacyo uu qura ayuu ka arimiyaa waxay dacaayadu websideyadi reer Galmudug markee sidaa uhadlaan kuwi kale maxaa laga filanayaa?

  2. Cali Geedi Cali says:

    ma Baraxley baad degaan kiinii oo dhan dhaafsateen!!!Hobbyo iyo degannadii kale ee Galamudug state maxaa maamulku u tegi la’ayahay!!!!Hobbyo waa inay noqotaa caasimadda Dowladda Galmudug!!

  3. puntland boy says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxbta waad ogtihiin wax walboo jira in dha ha in laga qarsado maaha mideedakale waxaan idin sheegayaa baraxlay dowlad noqon maysee cuqdada iyo xaasidnimada iska daaya oo walaalihiin waxlaqaybsada 2 km wax kayar ayay ku fadhidaa baraxlay waana ognahay waxa kajira iyo waxa yaala caruurta iyo haweena yaan been loo sheegin kuwa maamulka isu sheegayana qayilaadooda kama badiyaan wax ay qabtaan daaye

  4. naciimo says:

    wiilka wata puntland boy walala waxaan kuu sheegayaa waa maamuljira oo lasiman kaad sheganayso midakale waxaa tihiin dad islawayn oo umaleeya daka kale inaysan waxba ahayn waxna qabsankarin qorshe waa ayuusocday in gaalkacyo halmaamul oomidaysan yeelato kaain cida diiday waa idinka oo ogolayn wadanka khayraadkiisa iyo intifaacsigiisa umada soomaliyeed inay idinla qaybsadaan waxkale iska dhaafe dinka dhediinaa wax isu ogolayn ba

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkkk baayo waxaan kuleeyahay waxwalbo oo umada danteedaa iyo midnimadeeda idinkaa ka soohorjeeda gaalkacyo nabad inlagu wada noolaadona idinkaa rabin nimankaan madaxda sheeganayana runtii garawaa mushaarka looga soodiraa ee isdaji umada somaliyeedna magacan waxay utaqaanaa galmudug …….. magaca shaaha lagu raadsado marka waxaan idin leeyahay waxba meesha kumahaysaane runta indha ha hakaqarsanina ee isa soo dhiiba sidha waayo idinku ma ogidin laakin madaxdina garawaa wax looga sooyeeriyaa shacabkiinu waa inay ogaadaan taas

  6. yaap says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk galmudug socotay cidna uma joojinayso insha allah wayna guulaysan

  7. runta taabo says:

    sxb waxaan kaarabaa ninka galmudug sheeganaya warbixinteeda oo dhamaystiran usoo bandhig dad waynaha aan wada aragnee meeshay ka talino iyo waxay tahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk su aashaas jawaabteeda way kugu adagtahay ayana filayaa

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news