Dahabshiil-Gif
 
|

Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Magaalada Hobyo Oo Sare u Kacay

hobyooooo

Waxaa sare u kacay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Hobyo ee Gobolka Hobyo kadib markii halkaasi ay kusoo xirteen doomo wada shixnado ganacsi.

Sida uu sheegey guddoomiyaha Hobyo Maxamuud Axmed Cawaale, sare u kacan ayaa imanaya maadaamaa dekeda dib loo furey muddo dheer kadib.

“Waa doontii sedexaad oo degmada Hobyo kusoo xiratay sidaan u furmey dekeda Hobyo, ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaane waxa ay dareemeen in ay dan ugu jirto in dalkooda ay maal gashtaan, insha allaahu hadda wixii ka dambeeya waxaan rajaynaynaa in wixii hadda ka dambeeya ay maraakiib bilaaban doonaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu intaasi ku daray in maadaamaa dhibaatadii burcad badeeda ay joogsatay in tani ay fursad siisey nolosha caadiga ah in ay kala socoto.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news