Dahabshiil-Gif
 
|

Dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ee Soomaliya oo Lasoo Gaba-gabeeyay

 

Dowladda turkey-ga ayaa Sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ka waday Soomaliya, gaar ahaan deegaanka  Jazeera ee duleedka Magaalada muqdisho.

Danjire Olgan Baker oo wariyeyaasha kula hadlayay xarunta Safaaradda ee Muqdisho ayaa sheegay in bisha Agosto ee soo socoto ay Muqdisho imaan doonaan Saraakiisha Milateri ee saldhiggaas tababarka ku siin laheyd Ciidamada Soomaalida.

 

 

Waxaa uu sheegay Danjire Olgan Baker  in bisha September ee soo socota la furi doono Saldhigga, iyadoo lagu wado in kumanaan askar Soomaali ah tababar lagu siiyo bilaha soo socda.

 

 

Dowladda Turkga ayaa dhowaan balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha ciidamada qalabka sida ee  Dowladda Soomaaliya, si ay ula wareegeen Saldhigyadda ay ka baxayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 

 

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sanadkii hore mar uu u yimid magaalada Muqdisho furitaanka safaaradooda ayaa sheegay inuu furi doono saldhig milateri oo ay ka dhisanayaan

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news