Dahabshiil-Gif
 
|

Dhoola-tus ka dhan Ah B/badeeda Soomaaliya oo ka dhacay xeebaha Seychelles

dhoolatus

Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles,diyaaradaha dagaalka iyo Booliska oo qeyb ka ah Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya ayaa dhoola tus ka dhan ah Burcad badeeda Soomaalida waxay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Biyaha Soomaaliya.

Howlgalka oo dhacay Bishan January 8-deeda,ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa sidii loo sii laba jibaari lahaa dagaalka ka dhanka shufta badeeda iyo wada shaqeynta ka dhaxeeya Ciidamada Ilaaladaha Xeebaha Soomaaliya ee ka kala socda dalalka kala duwan ee la isku yiraahdo Midowga Yurub.

Maraakiib dagaal oo ay leedahay Dowlada Talyaaniga qeybna ka ah howlgalka Athlanta ee Midowga Yurub ayaa ka qeyb qaatay howlgalka dhuulatuska loogu muujinayay Burcad badeeda ka qowleysaneysa Biyaha Somalia iyo meelaha ka baxsan.

Labadadii sano ee u danbeysay ayaa Ciidamada wada jirka ah waxay wadeen tababaro ay siinayeen Askarta ilaalada xeebaha Seychelles si loogu diyaariyo inay ka qeyb noqdaan howlgalka ka dhanka dhalinyarada dhaca iyo afduubka ka geysat Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Midowga Yurub ayaa warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in sanadihii u danbeeyay hoos u dhac ku imaanayeen weeraradii ay qaadi jireen Burcad badeeda Soomaalida oo horay dar dar u ahaa laakiin hada laga nastay badankood.

XAFIISKA WARARKA-RADIO CODKAMUDUG

WQ: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news