Dahabshiil-Gif
 
|

Diyaaradihii Qaadka ee Ka imaan jiray Kenya oo maanta laga joojiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Codkamudug usheegay in aysan Saakay Garoonka Aadan Cadde soo caga dhigan doonin Diyaaradaha Qaadka ee ka imaan jiray Dalka Kenya.

Ganacsatada ayaa sheegay in uu jiro khilaaf udhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda ee Xukumadda Soomaaliya oo ka dhashay Canshuurta Qaadka oo la kordhiyay taas oo ay diideen Ganacsatadii Qaadka Keeni jiray Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa KNN usheegay in Diyaaradaha Qaadka ay ka dagi doonaan Garoonka Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Shabeelaha Dhexe kadibna Gaadiid lagu soo qaadi doono.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan Muranka udhaxeeya Ganacsatada Qaadka iyo Waaxda Casnhuurta ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news