Dahabshiil-Gif
 
|

Doodi Mooshinka oo soo dhamaatay & Codeeynta oo bilaabanaysa

Mooshin

Barlamaanka wararka aanu ka helayno ayaa sheegaya in goor dhow lasoo gaba gabeeyey doodi barlamaanka uu kalahaa Mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa waxa ay goob joog yihiin fadhiga Barlamaanka.

Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hada waxa uu la kulmayaa shaqaalaha barlamaanka oo waxa uu galay xafiiskiisa.

Samiir Xasan Adan Tifaftiraha Codkamudug.com oo Muqdisho Ku Sugan Ayaa Soo Sheegaya In Hada Ay Bilaabatay Codaynta Mooshinka Ka Dhanka Ah Raiisul Wasaare C/wali.

Xukumada Ra,iisul Wasaaraha ayaa Maanta Dhan u Dhici Doonta Waxaana Gudoonka Baarlamanka uu ku Cel Celinaya in la Dhawro Sharuucda Dalka iyo Xasiloonida Gooobta ay ka Socoto Codeynta .

Hadii Xukuumada Ra,iisul Wasaraha ay Dhacdo Waxaa Laga Cabsi Qaba in aysan Soo Noqon Wasiiro Dhawr ah oo Taageersan Ra,iisul Wasaaraha Waxaana ilaa Xalay Muqdisho ka Dhacay Kulamo Gooni Gooni ah oo uu Ra,iisul Wasaraha iyo Madaxweynaha ay la kala Yeelanayan Xubno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya

Wixii kusoo kordha Waa idiin Soo Gudbin Doonaa in sha allaah.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news