Dahabshiil-Gif
 
|

Doontii Sadexaad oo Uraran Ganacsato Somaliyeed oo Kusoo Xiratay Dekada Hobyo

hobyooooo

Dekada Magaalada Hobyo Ee Gobolka Hobyo Ayaa Markii Sadexaad Waxaa Kusoo Xirtay Dooni Uraran Ganacsato Somaliyeed Taasi oo Sida Bagaash Kala Duwan.

Dekada Hobyo oo Mudo Aan Shaqayn Ayaa Si Rasmi Ah Ushaqo Biloday Bilowgii Sanadkan Kadib Markii Galmudug Ay Ku Dhawaaqday In Wax Canshuur Ah Aan Laga Qaadeen Doonyaha iyo Maraakiibta Kusoo Xirta Dekada Hobyo Taasoo isalamrkiiba Ganacsatada Soomaliyeed Ay Bilaabeen inay isticmaalaan dekada Hobyo Ayna Kala Soo Dagaan Badeecooyin Kala Duwan.

Maxamuud Maxamed Cawaale Duqa Hobyo oo Maanta La Hadlay Codkamudug Ayaa Sheegay in Doonyahan Ganacsi Ee Kusoo Xiranaya Dekada Hobyo Ay Fursad Utahay Xoogsata Hobyo iyo Shacabka Magaalada iyadoo isbadal Xoogan Xiligan Laga Dareemayo Magaalada Hobyo.

Mudo Ku Dhow 18 Sano Ayeesan Shaqeyn Dekada Magaalada Hobyo,Waxaana dib uhowlgalitaanka Dekada Hobyo Mudooyinkii Dambe Dadaal Uugu Jiray Dowlad Goboleedka Galmudug oo iyadu Ku Guuleesatay inay Si Rasmi Ah Ushaqo Bilowdo Dekada Bilaa Canshuur La,aan Si Ay Uuga Faaidaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news