Dahabshiil-Gif
 
|

Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka digtay in la Marin habaabiyo Shirka Gobollada Dhexe

Dawlad Gobaledka Galmudug ayaa ka digtay Marin habaabin lagu sameeyo Shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya, Islamarkaana lagu balansan yahay in uu dhawaan ka furmo Magaalada Cadaado.fffff

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Axmed Maxamed Cumar Axmed Shariif oo ku hadlay Afka Galmudug ayaa ka digay carqalad lagu sameeyo Shirka lagu balan san yahay Magaalada Cadaado islamarkaan maamul mid ah loogu sameynaayo dadka Gobolada dhexe ee Soomaaliya daga.

Axmed Shire ayaa tilmaamay inay jiraan dad aan wanaaga iyo hormarka Gobolada dhexe aan rabin islamarkaana sheegta inay Gobolada dhexe wax u qabanayaan, Asagoona ugu danbeytii dadkaasi kaga digay arimaha ay faraha kula jiraan, Wasiirka ayaa Carababay in Dawlada soomaaliya iyo beesha caalamka ku wargaliyeen Shirka mamul u sameynta Gobolada dhexe ee Cadaado ka furmi raba dhawaan.

Dhinaca kale Digniintaan ayaa timid kadib markii maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen kooxo Shirar ku qabanaya Magaalada Muqdisho islamarkaana sheeganaya Maamul u sameynta Gobolada dhexe, Ayadoona Odayaasha Dhaqanka Galmudug ay kasoo horjeesteen Shirkaasi muqdisho ka socda. Xigasho Hobyoradio.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news