Dahabshiil-Gif
 
|

Dowlada kenya oo Shegay in ay duqeyn ku dileen sarakiil ka tirsan alshabab Degano ka Baxsan Gobalka Gedo

kenya-calanka

War ay soo Saartay Dowlada Kneya aya Waxa ay ku Shegtay in ay dileen Rag ka Tirsan Xarakada Alshabab duqaymo Maali mihii ugu Danbeeyay ay ka Geesanayeen Deegaano Hoos Yimaada Gobalka Gado

Afhayeenka ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya Colonel Cyrus Oguna,oo ka hadlay duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koonfureed,ayaa wuxuu shaaciyay in Duqeynta khasaaro ay ku gaarsiiyeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale inay ku burburiyeen Gawaari dagaal oo hub u saarnaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Kenya Colonel Cyrus Oguna,ayaa dhanka kale sheegay in Sarkaal lagu magacaabo Sheikh Nuur Dheere oo shabaab ka tirsanaa dagaalka ay ku dileen,isagoona tilmaamay in duqeynta inteeda badan ay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaareey.

Wuxuu sheegay Cyrus Oguna in duqeynta ay ku qaadeen deegaanada Gedo ay ku damacsanaayeen inay la bartilmaameedsadaan goobo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab,wuxuuna hoosta ka xariiqay in u jeedkii laga lahaa laga gaaray.

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa hadalkiisa intaasi wuxuu raaciyay in xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab duqeynta ay ku geeriyoodeen kuwo kalena ay ku dhaawacmen.

Hadalkaan ka soo baxay dowlada Kenya ayaa imaanaya xilli diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen qeybo ka tirsan Gedo,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo beeninaya hadalkaan Kenya ka soo yeeray.

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news