Dahabshiil-Gif
 
|

Dowlada Somaliya oo 16 isbaaro ka Qaaday inta u Dhaxaysa Muqdisho iyo Nember 50

ee

Maxamed maxamuud Xasan Qaafoow Taliyaha Qeybta labada Shabeelle iyo Banaadir ee Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlo isbaaro qaadis ah oo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.

Taliyaha waxa u sheegay in ay ku Guuleysteen in ay qaadaan 16 isbaaro oo uu sheegay in ay ka qaadeen inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.waxa uu xusay in ay sii wadayaan howlaha Isbaaro qaadista ah.

Waxa uu intaasi ku daray in iminka ay nafis helayaan Gaadiidleyda iyo Shacabkii lagu dhibaateyn jiray inta u dhaxeysa labada Shabeelle iyo Gobolka Banaadir. waxa uuna Shacabka iyo Gaadiidleyda ka codsaday in ay soo sheegaan cidii ay u arkaan in ay dhibaato ku heyso.

Qaadista Isbaarooyinkan aya imaanaya ka dib Cabasho fara badan oo ay muujiyeen gaadiidleyda ka shaqeysa labada Shabeelle iyo Banaadir.waxayna mar welibo ka caban jireen askar ku lebisan Dareeska Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa horay u sheegay in ay ku dadaalayaan qaadista Isbaarooyinka waxayna tilmaameen in askarigii lagu arkaa isagoo oo isbaaro dhiganayo ama dhibaateynayo Shacabka tallaabo Sharci ah laga qaadi doono

By :Samiir Xasan Adan
Muqdisho-Somaliya
Email:samiirxasan@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news