Dahabshiil-Gif
 
|

Duqa Degmada Gaalkacyo “Muddo kooban waxaan ku sameynay hormar la taaban karo”

???????????????????????????????Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Bile Diini Cali oo maanta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay Dowladda hoose ay hormar la taaban karo ka sameeysay bilic soo celinta Magaalada Gaalkacyo iyo weliba xasilinta amaanka kuwaasoo uu sheegay in uu dareemayo qof kasta oo maanta jooga Magaaladan.

Bile Diine Cali ayaa waxa uu sheegay in guulo la taaban karo ay ka soo hooyeen amaanka Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug islarakaasna ay dhiseen goobo gara badan oo loogu talo galay in loogu adeego dadweynaha ku nool Magaalada Gaalkacyo.

“Waxaa dhismaheedii maddo bil ah uu socdaa Isbartiibadii, qofkstaa wuu dareemi karaa Isbartiibadu muhiimadda ay u leedahay shacabka iyo dhalinyadara, waxa loo dhisayaa waa mustabalka jiilka dhalanaya, iyo kuwo maanta jooga”

Waxa uu ugu baaqay bulshada Galmudug inay ilaashadaan xarumaha danta guud ee loo dhisay islamarkaana ay ciidamadooda kala shaqeeyaan amaanka iyo hormarka loo sameynayo bulshada.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Magaaladaani waxay tabeysaa Waddooyin waxay tabeysaa iftiin,waxaan rajeynayaa hadii ilaahey idmo waddooyinka hadda aan dhisneyn in la dhisi doono,sidookale nalalka ay ubaahan tahay magaaladan waxaan rajeyaa in mudo lix bilood ah  magaalada oo dhan la gaar siindoono.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay inay adkeyn doonaan amaanka Maagalaada Gaalkacyo ayna ku dadaali doonaan is dhex galka qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan guud ahaan Magaalada Gaalkacyo.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news