Dahabshiil-Gif
 
|

Ergadii ka qeyb gashay shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb oo gaaray Cadaado

1

Qaarkamid ah ergadii ka qeyb gashay shirka dib u heshiisiinta ee kusoo dhamaaday magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ergadan gaartay magaalada Cadaado ayaa kasoo jeeda deegaan ahaan Caabudwaaq iyo Balanbal waxayna sheegeen in magaalada Cadaado ay u yimaadeen ka shaqeyb qaadasha shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud kaasi oo Lagu wado dhawaan inuu ka furmo magaalada cadaado.

Nabadoon Xasan Warsame Qaasim oo hogaaminayay ergada ayaa sheegay in ay ku yimaadeen amarka madaxweynaha dowlada faderaalka kaasi oo ahaan in shirka maamul u sameynta uu ka furmayo magaalada Cadaado.

Nabadoonka ayaa sheegay in beesha ay matalayaan ay diyaar u yihiin in dadka gobolada dhexe ay la dhistaan maamul si meesha looga saaro dib u dhaca la haray dadka ku nool gobolada Mudug iyo Galgaduud

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news