Dahabshiil-Gif
 
|

Faah faahino ka soo baxaya weerar lagu qaaday Jaamacada Gaarisa

gaarisa

Faah faahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan aroornimadii saakay ay ku qaadeen xarunta Jaamacad ku taalo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya,sida Booliska ay sheegeen.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo lagu magacaabo Musa Yego,ayaa xaqiijiyay in weerarka uu jiro,islamarkaana kooxaha hubeysan oo gudaha u galay Jaamacada ay dileen Labo Qof halka afar kalena ay dhaawaceen.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Malitari ayaa isku gadaamay dhismaha Jaamacada,iyagoo isku dayaya inay xaqiijiyaan amaanka goobta.

Ciidamada Booliska Qaranka ayaa tilmaamay in Kooxaha hubeysan ay xoog ku galeen xarunta Jaamacada ka dib na toogtay ilaalada xarunta Jaamacada.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo inuu qasaaraha intaasi dhaafsiisan yahay iyo in kale,waxaase socda badbaadinta macalimiinta iyo ardayda dagaalka uu ku qabsaday gudaha Jaamacada.

Arday iyo Macalimiin badan ayaa markii uu weerarka dhacay ku cararay Masjid si ay u badbaadiyaan noloshooda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerar,laakiin weeraro horay halkaasi uga dhacay waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay ururka Al-shabaab oo ka horjeeda joogitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news