Dahabshiil-Gif
 
|

Faahfaahin:::Madaxweynaha Somalia Oo Gaaray Dhuusamareeb

hhhhhhh

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran maanta loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay uga bilaabatey booqasho uu ku dardargelinayo qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe.

Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaaray waxaa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Soomaaliya waxaa soo dhaweynta wefdiga madaxweynaha ka qeybgalay maamulka gobolka, Odayaasha Dhaqanka iyo boqolaal kamid ah dadka ku nool magaaladaasi.

‘’Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, dadaalka ay ugu jiraan dhismaha maamulka gobollada dhexe, dowladduna si buuxda ayay u taageersan tahay una garab istaageysaa hawlahan maamulka lagu soo dhisayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waa Booqashadii Labaad ee uu Madaxweynaha ku tagay Magaalada Dhuusamareeb.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news