Dahabshiil-Gif
 
|

Fanaanadda Caanka ah ee Farxiyo Kabayare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.Sawiro

Farxiyo Maxamed Ibraahim (Farxiyo Kabayare) oo ah Fanaanad Soomaaliyeed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay, iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyin uu ka mid yahay Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka, Gen. Gaafow, qeybaha bulshada oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Benaadir, Bar baarta gaashaaman iyo marti sharaf kale.51

71kabayare_gaafow8161Markii ay diyaaradda ka soo degtay Fanaanadda Farxiyo Kabayare ayay mid mid u gacan qaaday dadkii ku soo dhaweynayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo wajigeeda laga dheehanayo dareen farxadeed.

Farxiyo Maxamed Kabayare oo saxaafadda kula hadashay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in aad ugu faraxsantahay imaanshiyada Muqdisho, iyadoo xustay in 20-ka bishaan ay qabaneyso show ay ku soo bandhigeyso heeso kala duwa oo isugu jira kuwa guubaabo ah oo ay ugu talagashay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa kale.

Fanaanadda Farxiyo Maxamed Ibraahim ayaa qeyb ka noqoneysa fanaaniin dhowr ah oo bilihii la soo dhaafay dalka dib ugu soo laabanayay, taasi oo muujineysa in Muqdisho ay xilligan tahay mid ammaankeeda la isku haleyn karo oo sabab u ah ciidamada amniga oo ku guuleystay xaqijinta amniga dalka, gaar ahaan kan caasimadda ee Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news