Dahabshiil-Gif
 
|

Fashil weli ka dhex Taagan Heshiis La Dhex Dhigay Ahlusuna iyo Maamulka Dawlada Degmada Guriceel

GURICEEL

Weli waxaa muuqata is fahmi waa ka taagan xal laga gaaro xiisadii dagaal ee ka taagneyd maalmihii lasoo dhaafay Degmada Guriceel ee Gobolka G/gaduud Taasi oo Udhaxaysa Ciidamada Dowlada iyo Culimaudiinka Ahlusuna.

Cabduqaadir Shiikh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Ayaa Garwadeen ka ah Heshiisiinta Dawlada iyo Ahlusuna ,waxaana Ahlusuna iyo dawlada mid kasta uu wataa dhowr qodob oo in laga gudbo adag tahay.

Culima,udiinka Ahlusuna Ee Ka Dagaalamaya Guriceel  waxay soo jeedisay in Guriceel laga raro ciidanka dawlada ee kusugan Xerada lagu tababaro ee ku taalla duleedka Guriceel

Dawlada Soomaaliya ayaa iyaduna soo jeedisay in Ahlusuna magacaasi oo dhan laga tanaasulo oo lagu shaqeeyo magaca ciidanka qaranka Soomaaliya kuwa hadda magaca Ahlusuna sheeganayana ay ka mid noqdaan Dawlada Soomaaliya.

Shalay Talaadadii waxa la filayey in laga gudbo oo xal laga gaaro Arintaasi dagaalkii dhacayna lasoo gaba gabeeyo xiisadiisa hase ahaatee dib ayuu udhacay markii qodobo iska soo horjeeda labada dhinac soo bandhigeen.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news