|

Galmudug Development Organization oo koorso waxbarasho u soo xiritay qaar ka mid ah bulshada Magaalada Galkacyo

Xaflad Xiritaan ah oo loo sameeyey arday waxbarashada dadka waaweyn oo ay maalgaliso jaaliyadda Sacad ee finland oo la magac baxday Galmudug Development Organization  “Galmudug-Do”, ayaa lagu qabtay hall-ka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Al-Shacab.

Xafladdaan oo lagu waday in ay dhacdo billowgii bishii January ayaa dib u dhac farsamo ku yimid. xafladdaan oo ay soo agaasimeen maamulka iyo macalimiinta ardaydan wax u dhigta ayaa waxaa halkaas ka hadlay mid ka mid ah macalimiinta ardaydaas wax barta oo magaciisa la yiraahdo Luqmaan Sh. Cumar, isagoo ku dheeraaday heerarkii waxbarasho ee ardayda iyo isbadalka weyn ee ku dhacay iyo maanta si ay bulshada dhexdeeda ka yihiin.

Waxaa isna goobjoog ahaa halkaasna qudbad ka jeediyey maamule ku xigeenka Al-shacab Cabdiraxmaan Cumar Sh. Nuur oo isna ku booriyey gabdhaha iyo wiilasha da’doodu yara weynaatay in aanay malaynin in ay waxbarashadii ka gaboobeen.  Cabdiraxmaan oo barnaamijka xiriirinayay ayaa ugu baaqay inta aysan usuurto galin ay ka qaybgalaan waxbarashadan socota ee hadda socota iyo tan hadda shahaadadeeda la qaadanayaba in ay iyana mustaqbalka ka faa’iideystaan fursadaha kale ee imaanaya.

 Dhinaca kale  waxaa halkaas ka hadlay xiriiriyaha barnaamijka Waxbarashada dadka waaweyn ee la dagaalanka waxqoris la’aanta ee ay gacanta ka gaysato jaalliyadda Sacad Siciid ee Finland, Mr. Maxamuud Adam Cabdulle Cusmaan  ”Takar” oo ugu horeynba ammaan iyo bogaadin usoo jeediyey walaalaha jaaliyadda Finland oo Alle ka sokow,  la’aantood aanay suurto gasheen arintaan oo lafdhabar u ah dhismaha qoyska ee bulshada reer Galmudug

Xiriiriyaha  oo ka kadlaya xafladda ayaa yiri “Walaalayaal arintaan aad horseedeen waa mid aad ajarkeeda guran doontaan ilaa inta ay socoto xataa haddii cid kale oo aan adinka ahayn sameyso, sida uu noo sheegay oo xadiisyada Rasuulka lagu hayo Nabadgalyo iyo Naxariis Alle dushiisa ha ahaato rasuulkeenna Muxamed Ibnu Cabdullaahi xiriiriyaha ayaa sidoo kale sheegay in  ay mar dhow waxbarashadu sidoo kale u dhammaanaysa qeybtii 2aad  oo ay iyana ugu eg tahay bisha 5-aad ee May. Waxa uuna sheegay in ay u sameydoonaan xafladdaan oo kale.

xiriiriyaha  ayaa ugu Dambeyn u mahad celiyay xiriiriyaha barnaamijkaan ee jaaliyadda Finland Mudane Mursal Xaashi  Shirwac oo dhiibay dhammaan wixii dadaal ah ee arintaani u baahneyd waxaanan leeyahay jasaaka Allaahu kheyr.

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news