Dahabshiil-Gif
 
|

Galmudug Iyo Puntland Oo Markii Ugu Horaysay Yeelanaya Ciidamo Isku Dhaf Ah Iyo Tababar Loo Furayo Ciidankaasi

Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa waxaa lagu xareeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda maamulada galmudug iyo puntland kuwaasi oo sugi doona amniga guud ee gobalka mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo.

 

 

Ciidankaan ayaa saacadaha soo socda waxaa tababar u furi doono madaxda galmudug iyo puntland tababarkaasi oo mudo kooban socon doono ayadoo intaa ka dib ay howlgalo doonaan ciidankaan.

 

 

Samaynta Ciidamo isku dhaf ah oo ay yeeshaan maamulada galmudug iyo puntland ayaa ka mid ahaa qodobadii ku jiray hashiiskii dhawaan ay gaareen labada maamul ee dariskaa ee galmudug iyo puntland.

 

 

Waa Markii Ugu Horaysay oo Ay Maamulada Galmudug Iyo Puntland Yeeshaan ciidan isku Dhaf ah oo suga amniga gobalka mudug oo ah gobal inta badan ay ka dhacaan dilal iyo dagaalo sokeeyo

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news