Dahabshiil-Gif
 
|

Galmudug Oo Codsaneysa in Laga Caawiyo Dhismaha Dekada Magaalada Hobyo

Qalabxoor

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Dekadaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga ah, Ganacsatada iyo Dowladda Soomaaliya inay ka gacan siiyaan dhismaha Dekada Magaalada Hobyo.

C/qaadir Cali Jaamac Qalab xoor ayaa sheegay in Dekada ay tahay mid burbursan si loo dhisana ay u baahan yihiin inay taageero ka helaan dhinacyada ay quseeyso dhismaha Dekada oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Dekadaha Galmudug C/qaadir Qalabxoor ayaa sheegay in hadii Ganacsatada ay bagaashkooda kala soo dagaan Dekada aan laga qaadi doonin wax Canshuur ah.

“Amaanka Dekada waa mid sugan hadii ay Ganacsatada maalgaliyaan waxa ay ka heli karaan mudo kooban gudaheeda faa’ido weyn” ayuu yiri Wasiir Qalabxoor.

Maalmo Kahor Ayee Ahayd Markii Doontii Labaad Ay Kusoo Xiratay Dekada Magaalada Hobyo oo Urarneed Ganacsato Reer Galmudug Ah iyadoona Dekadaan Ay Muhiim Utahay Bulshada Gobolada Dhexe

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news