Dahabshiil-Gif
 
|

Galmudug Oo Eedayn U Jeedisay Dawlada Soomaaliya Ugana Digtay inay….

Wasiirka arimaha gudaha dawlad goabaleedka galmudug maxamed xayir nuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada guud ee deegaanada galmudug gaar ahaan dhinaca abaara.

 

 

Maxamed xayir nuur wasiirka arimaha gudaha galmudug ayaa sheegay in abaartii sima ay wali sideedii u hayso dadka reer galmudug ayna u baahan yihiin gar gaar dag dag ah in lal soo gaaro.

 

 

Wasiir xayir ayaa dawlada fadaraalka soomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabisay wax u qabashada dadka reer galmudug ee abaaruhu saameeyeen wuxuuna sheegay in dawlada ay dhaqaalo badan siido maamulo aysan deegaanadooda abaari ka jirin galmudugna aysan wali gar gaar soo gaarsiin.

 

 

Ugu dambayn wasiirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka dawlada fadaraalka soomaaliya iyo dadka wax haysta in ay usoo gurmadaan dadka reer galmudug ee ay abaartu haysato xiligaan.

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news