Galmudug oo ka qayb galaysa Shirka Talyaaniga iyo Masar oo Bilowday ka qayb Galka Shirarka Soomalida
Dowladda Cusub ee Masar ayaa sheegtay in ay ka qeybgali doonto shirka kooxda xiriirka caalamka ee ICG ku yeelanayaan bisha July magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
U qeybsanaha Wasaaradda arimaha dibadda Masar ee dhanka Afrika Masar Muna Cumar oo saxaafadda kula hadleysay magaalada Qaahira ayaa sheegtay in wafdi ballaran oo ka socda xukuumada cusub ee Masar ay ka qeybgali doonaan shirka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Rome.
In kastoo wali madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Mursi ku dhawaaqin dowladda Cusub ee Masar haddana wasiir Muna waxay leedahay “Masar had iyo jeer waxa ay diyaar u tahay inay ka qeybgasho shir kasta oo aayaha Soomaaliya looga hadlayo, taasina ay daliil u tahay niyad wanaagga iyo sida Masar ay taageeri ula garab taagan tahay Soomaalida.”
Shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu qaato laba maalin kaa oo dhacaya horraanta bisha soo socota ee Julay.
Masar waxa ay ka mid tahay dalalka carabta ee markasta ka qeybgala shirka looga hadlo arrimaha Soomaaliya, waxana ay jecashay in markasta ay Soomaaliya ka baxdo dhibatada ay ku jirto.
Dadka wax saadaliya ayaa sheegaya in doorkii Masar ay lahayd arrimaha Soomaaliya in ay hadda qaadatay dalka Turkiga oo ah dal Islaam ah, haddana si fiican u dhexgalay dadka iyo dalka Soomaaliya.
Shirka Kooxda ICG ayaa soo bilowday sanadkii 2006-dii waxana markasta ka qeybgala dalalka badan iyo hay’ado.