Dahabshiil-Gif
 
|

GANACSIGII SUUQA BAKAARAHA OO MAANTA XIRAN

image

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha ee MAgaalada Muqdisho ayaa saaka gabi ahaanba xiran, kadib markii ciidamada Dowladda iyo dadka ganacsatada uu soo kala dhexgalay muran.

Ganacsatada ayaa saaka aroortii markii ay fureen goobahooda ganacsiga, waxaa u yimid ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weydiiyay inay bixiyaan lacago canshuuro ah, ilaa hada ma cada rasmi ahaan ciidamadaasi halka ay hoostagaan.

Mid kamid ah dadka ganacsatada ah ayaa sheegay in ciidamada u yimid ay ahaayeen kuwa aysan garaneyn, sidaasi awgeedna ay ka biyo diideen bixinta lacagahaasi canshuuraha ah, waxaana ciidamada ay bilaabeen inay u goodiyaan dadka ganacsatada ah.

Qaar kamid ah ganacsatada oo ka gadooday falka ciidanka ay ku kaceen, ayaa bilaabay inay albaabada isugu dhuftaan goobahooda ganacsi, kadibna ay sameeyeen shaqo joojin ku aadan ganacsigooda, waxaana intaasi kadib biloowday in la xiro goobaha kale ee ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Dahabka, Bacaadlayaasha dharka lagu iibiyo, goobaha ganacsiga nawaaxiga Sarta Cali dheere iyo Goobaha kabaha lagu iibiyo ayaa gabi ahaanba saaka xiran, waxaana hada socda abaabul banaanbax oo ay dhigayaan dadka ganacsatada ah.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news