Dahabshiil-Gif
 
|

Garab ka Mid ah Ahlu-Sunna Oo Diiddan Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud

AHLUSUNA

Kooxdii Ahlu Sunna ee Magaalada Guriceel kula dagaalantay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay kasoo horjeedo Shirka dib u heshiisiinta iyo kan Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunna ahna Madaxa Waxbarashada Sheikh  Maxamed Shaakir ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin wax kasta oo kasoo baxa Shirka Dhuusamareeb iyo kan Maamul u sameynta labada Gobol.

“Anaga wax wadatashi ah nagalama sameyn Maamulka la dhisayo iyo dib u heshiisiinta sidaasi awgeed, waxaan kuu sheegayaa hadii Shirka Cadaado lagu qabto iyo hadii Dhuusamareeb lagu qabto in uusan na quseyn” sidaasi waxaa yiri Maxamed Shaakir.

Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlu Sunna ayaa ku goodiyay in waxii ka dhasha Shirarkaasi aysan qaadi doonin Mas’uuliyadooda.

Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa horaantii bishaan heshiis ku kala saxiixday Magaalada Guriceel, kadib Dagaalo dhiig uu ku daatay oo labada dhinac  dhexmaray.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news