Dahabshiil-Gif
 
|

Garoowe: Dowladda dhexe iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday

dowla

Sida ay baahisay Warbaahinta Puntland, Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa kala saxiixday heshiis kadib wadahadalo muddo 2 barri uga soconayay Magaalada Garoowe.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:

1-In la dhaqangaliyo heshiiskii 14-october 2014-ka ay wada gaareen Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

2-In  Puntland iyo Federaalka ay aragti midaysan ka yeeshaan Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

3-Labada dhinac ayaa isku raacay in bisha 4-aad ee sanadkaan ay Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay shir isugu yimaadan Garowe,kaasi oo qayb ka noqonaya hirgalinta Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

4-Dhismaha Ciidamo Qaran,waxaana Federaalku ay Puntland u tababarayaan 3000 oo Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Soomaaliya.

5-In Puntland ay wax ka ogaato Sharuucda iyo Guddiyada ay magacaabayso Federalka ee saamaynta ku leh Puntland.

6-Puntland waxay soo dhaweeysay qaabka Federaalku uu u maray wadahadalada ay la yeesheen Soomaaliland iyo qodobo kale.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news