|

Gobolada Galmudug Guud ahaan Waa sano Barwaaqo

Gobolada Dagmooyinka iyo Tuulooyinka intuba waa sano Barwaaqo marka laga reebo tuulooyin iyo dhulmiyi cidlo ah oo aan wili roob badani gaarin sida uu inoo xaqiijieyey wariyeheena Axmed C/laahi Cali Taakilo oo safar dhulka ah ku soo maray badi dhulka galmudug isgoo inta uu san marina warbixino uga helayey dhanka Telephone .

(DHAGAYSO) WARIYE TAAKILO WARBIXIN KOBAN

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Guud ahaan Galmudug oo dhan waxa magaalooyinka qaar laga soo sheegayaa in xoolo nool uu daad latagay mana jirto wax dhimasho iyo dhaawac ah oo roobabku dadka kasoo gaaray iyadoo magaalada Gaalkacyo 3jeer oo uu roob xoogle ka da’ay waxaana roobkii shalay galab bilowdey uu istaagay xalay iyadoo badi wadooyinka ay biyo xireen waxaana xalay la’arkayey  baabuurta xamuulka oo lagu soo daad guraynayo Aryaha magaalada laga dhaqdo oo shalay isagoo soof ku maqan Roob qabtay ka dibna uu soo gaari waayey magaalada .

Sanadaan oo kale ayaa dadku sheegayaan in ay tahay mid xusiisteedu ku fogaatey oo aysan arag waayahayn waxaa barwaaqadaan rabi keenay dhinacsocda Dadaalo dadku ay uga faa’deysanayaan Beeritaanka iyo tabaca beeraha iyagoo Gacan kahelaya haya’adda ICRC waxaa lafilayaan in bartamaha sanadkaan uu dalag farabadan u soo go’idoono beeralayda Galmudug hadii Rabi uqoray

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news