Dahabshiil-Gif
 
|

Guddiyadda Joogtada ah oo Kulan Ugu Yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Xarunta madaxtooyadda Soomaliya waxaa Ka Socda Shir Deg Deg ah oo ay ka qeyb galayaan Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo kulankaas loogu yeeray  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka oo uu albaabada u xiran yahay ayaa su’aalo lagu weydiinayaa Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso bulshada iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo ku aadanaa in Xildhibaanada Mooshinka wada la weerari doono.

 

 

Sida ay idaacadda Codkamudug  u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Wararka ayaa sheegaya inXildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg ah la isugu yeero Guddiyada joogtada Baarlamaanka, si arrintan looga hadlo, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha loo yeero si uu jawaabo uga bixiyo.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo laga jeediyay Xarunta Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye ee Degmada Xamar Jajab.

 

 

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo labo habeen ka hor ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in Xildhibaanada wada mooshin lagu duminayo Xukuumadda ay meelaha ay joogaan ugu galayaan, isla markaana iyaga iyo shacabka ay garaacayaan, taasoo madaxdii uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha ay u sacbiyeen, una istaageen.

 

 

Dhanka kale Guddiyada Joogtadda ah ee  Baarlamaanka Soomaliya  ayaa lagu wadaa inuu caddeeyo in Xukuumadda aanay xilligan wax mooshin laga wadin, kaddib hadal heyno beryahan jirtay iyo kicin lagu haayo shacabka oo la isaga hor-keenayo shacabka iyo Xildhibaan.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news