Dahabshiil-Gif
 
|

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u yeeray Wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka DF Soomaaliya

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigii maanta ka hor sheegay in wasiirrka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo kan amniga C/llaahi Goodax Barre iyo C/kariin Xusseen Guulleed looga baahan yahay in ay horyimaadaan baarlamaanka, kadib sida la sheegay mooshin ay ka keeneen qaar ka mid ah xildhibaannad baarlamaanka.download

Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegayin mooshin ay soo saxiixeen 15 Xildhibaan ay ku codsadeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ay hor yimaadaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo Arrimaha Amniga dalka halka uu marayo, howlaha maamul u sameynta iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

“Waxaa rabaa in aan hortiina ka sheego waxaa is soo gaaray mooshin ay saxiixeen 15-xildhibaan ay ku codsanayaan Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka inay hor yimaadaan Baarlamaanka”ayuu yiri Prof. Jawaari oo aan sheegin mudada loo qabtay.

Waxaa dhinac kale maanta loo qeybiyay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya miisaaniyada sanadka 2014 oo ka badan tii Xukuumadii hore, waxaana xildhibaanada ku soo aqrisanayaan muddo 24-saac.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in miisaaniyadan ay tahay mid aad u muhiim ah, isagoo amray in 1-da April aan wax lacag ah laga bixin karin qasnada dowladda, inta laga soo maareynayo miisaaniyadan.

Waxaa la fillayaan in maalinat berri hor imaanaya Baarlamaanka Wasiirka Maaliyada, si uu u cadeeyo miisaaniyadan, una faah faahiyo, waxaana lagu wadaa in Xildhibaanada ay dood kulul ka yeeshaan.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news