Dahabshiil-Gif
 
|

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hogaamineysay haweeneyda lagu magacaabo Mitch Dufresne oo ah gudoomiyaha guddiga Qeybta Cadaaladda, Sharciga iyo Hey’adaha Amaanka.waxana Kulanka looga hadlay qodobbo muhiim ah oo ku saabsan howlaha maxkamadda.59-342x256

Guddoomiyaha ayaa kala hadlay wafdigaasi sidii hey’adaha U.N.ka ee warbixinnada ka soo saara Maxkamadaha in warbixinta ay ka qaataan meelaha loogu talagalay halkii ay ka qaadan lahaayeen meelo qaldan.

Sidoo kale guddoomiyhuhu waxa uu ku dhiirigeliyay Qaramada Midoobay in iyadoo la tixgelinayo xaaladda uu dalku ku jiro iyo nooca cadow ee lala dagaalamayo, inaan dacaayad lagu furin maxkamadda, taasoo dhaawi karta ka hortagga cadowga una fududeyn karta in cadowgu ku dhiirrado dembiyada.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida G/sare C/raxmaan Maxmuud Tuuryare ayaa ku boorriyay wafdiga uu qaabilay in la kordhiyo kulamada iyo doodaha u dhaxeeya maxkmadda ciidamada qalabka sida iyo hey’adaha U.N.ka u qaabilsan garsoorka.
Wfadiga ay hogaamineysay haweeneyda lagu magacaabo Mitch Dufresne ayaa balan qaaday in waxa badan ay kala Shaqeyneyso Hogaanka maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news