Dahabshiil-Gif
 
|

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Kampala Ku soo Xiray Shir U Socday Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera

jawaariiGudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Kampala ee caasimadda Uganda kusoo xiray shir u socday Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha taageera BaarlamaankaSoomaaliya.

Shirkan oo mudo laba cisho ah ka socday hotelka Emperial Royale eemagaalada Kampala waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka FederaalkaSoomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenkaLabaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Xildhibaanno ka tirsanBaarlamaanka,Agaasimeyaal ka tirsan Baarlamaanka iyo inta badan Hay’adahataageera Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya MudaneMahad Cabdalla Cawad oo kulankaasi markii uu soo gebageboobay kadib faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii looga hadlay kulankan ayaa tilmaamay in siweyn la iskula eegay howlaha horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyamudada labada sano ee soo socota iyo taageerrada looga baahan yahayhay’adaha oo ah sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qabsoomidda howlahaadag ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horyaala mudada labada sano eesoo socota.

Dhinaca kale Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad eeBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay diyaarinta qorshehowleedka Baarlamaanka Kalfadhiga 5aad ee soo socda taasi oo hada ay Guddoonka Baarlamaanka si weyn ugu howlan yihiin dejinta istiraatiijiyadleh jadwal ay ku cad yihiin howlaha la qabanayo Kalfadhiga 5aad oowaqtiyeysan ayadoo si gaar ah muhiimad loo siinayo in dalkan uu gaarosanadka 2016ka yoolka la hiigsanayo.

—DHAMAAD—

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news