Dahabshiil-Gif
 
|

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Dharkenley oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Munaasbad uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Dharkenley ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada Dharkeynleey, halkaasi oo ay ka qeyb galeen xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida, mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Benaadir, aqoonyahano, fanaaniinta hobollada Waaberi oo goobta ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha Nabadda iyo qeybaha bulshada ee degmadaasi ku dhaqan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeynleey Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ka sheekeeyey marxaladokala duwan oo ay ku soo shaqeeyeen tan iyo sanadkii 2007- oo uu xilka la wareegey, isagoo xusay in shacabku ay door ka qaateen horumarinta degmada, waxaana uu ku booriyay in la shaqeeyaan guddoonka cusub ee degmada

Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeynleey Dr. Aadan Maxamed Cumar oo markii uu xilka la wareegay kaddib la hadlay shacabka ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta degmada iyo isdhexgalka bulshada, islamarkaana uu xoogga saari doono sidii dib loogu soo nooleyn lahaa adeegyada aas aasiga u ah bulshada, isagoo xusay in xagga amniga uu kala kaashan doono shacabka degmada.

Guddoomiye ku-xigeenka goboka benaadir ee dhanka Arrimaha bulshada Imaan Nuur Iikar oo shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah haweenka degmada ee ka shaqeeya arrimaha bilicsoo celinta ayaa shacabka degmada ku booriyay in ay la shaqeeyaan Maamulka cusub ee Degmada, isagoo uga mahadceliyay maamulkii hore waxyaabihii u qabsoomay.

Xildhibaan Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo soo xiray munaasabadda ayaa sheegay in Muqdisho ay soo martay marxalado kala duwan, islamarkaana ciidamada qalabka sida iyo maamulada degmooyinka ay ka shaqeeyeen in Gobolka Benaadir uu ka gudbo marxaladihii adkaa, isagoo guddoonka cusub ee degmada Dharkeynleey ugu hambalyeeyay howlaha loo igmaday

Munaasabada uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeynleey ayaa ku soo idlaatay jawi degan, waxaana xafladda heeso guubaabo ah ka qaaday fanaaniinta hobollada Waaberi.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah Isbedelo lagu sameynaayo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoona horay xilka looga qaaday gudoomiyaal kale sida Gudoomiyaha Degmada C/Casiisdhar1-300x225

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news