Dahabshiil-Gif
 
|

Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan oo maanta Xilka la wareegay

cabdi-fataax-xasan-afrax-m-dooxada-shabeelel-2Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Fadaraalka ee Dalka Soomaaliya C/fitaax Xasan Afrax ayaa maanta si rasmi ah xulka ugala wareegay Gudoomiyihii hore ee Gobolkaasi C/faarax Laqanyo.

Munaasabadd ay xilka kula kala wareegiyeen labada Gudoomiye oo maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qayb galay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Fadaraalka ee Dowladda Soomaaliya C/abtidoon Xalane,Xildhibaanno iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Cusub ayaa madasha ka sheegay inuu ku faraxsan yahay la wareegida xilka gudoomiyaha isagoona ballan qaaday inuu sii laba jibaarayo howlihii shaqo ee ay hayeen maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news