|

Warar Dheeraad ah oo kasoo baxaya Saraakiisha ethiopianka iyo kulanka Culumada Ahlusunna ee Guraceel

saraakiil ka tirsan militariga Ethiopia ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasoo kulamo socday illaaxalay ay kula yeesheen masuuliyiinta ururka Ahlusuna oo dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Saraakiisha Ahlusuna oo horey u sii ogaa imaanshaha saraakiisha Ethiopianka ayaa isaga kala yimid magaalooyinka Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo Beledweyne si ay kulankan uga qeybgalaan.

Warar ku dhow xubno ka tirsan Ahlusuna ayaa  sheegay in saraakiisha Ethiopianka ay ku wargeliyeen masuuliyiinta Ahlusuna in looga baahan yahay hal taliye ciidan oo Ahlusuna oo dhan ay hoos timaado, si deg deg ahna ay u soo magacaabaan taliyahaasi.

Arintaasi ayey saraakiisha Ethiopianka ku micneeyeen in la go’aabsaday kadib markii khilaafaad hoose uu soo kala dhexgalay Ahlusuna dhexdeeda ayna sababtay in ciidamada Ethiopia ay baneeyaan degmooyinka Ceelbuur iyo Wabxo oo horey ay uga saareen ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ethiopianka waxay xalay ku hoydeen degmada Guriceel waxaana lagu wadaa in maanta markale ay la kulmaan saraakiisha sare ee Ahlusuna.

Socdaalka saraakiisha Ethiopianka ayaa intiisa badansalka ku haya duulaan cusub oo la qorsheynayo in ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM iyo Ethiopia ay ka wada qeybgalaan oo laga bilaabi doono gobolada koonfurta dalka ee weli Al Shabaab ay maamulaan.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news