Dahabshiil-Gif
 
|

Halkee Wax Umarayaan Gudiga Farsamada Maamul Usameenta Gobolada Dhexe (WARBIXIN)

waaaakan

Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga shirka dhowaan la geynayo Magaalada Cadaado Ee Xaruunta Maamulka Ximan Iyo Xeeb

Madaxa Amniga ee Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa ka sheegay degmada Cadaado in Ra’iisul Wasaaraha ay u gudbiyeen warqad looga dalbanayo in AMISOM loo diro Cadaado, si ay sugida amniga uga qeyb qaadato.

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa u gudbinay warqad ku saabsan in Ciidamada AMISOM ay ka qeyb qaataan sugida amniga Cadaado, inta uu socdo howlaha shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe Cowke Xaaji C/raxmaan oo ah Madaxa Gudiga Amniga Ayaa Sidaa Yiri.

Waxaa uu sheegay in Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo saraakiil ciidan oo ka socda dowladda Federaalka ay dhowaan tagi doonaan Cadaado, si ay u kormeeraan goobaha ciidamada la dejinayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in 10-ka bishan kulan uu dhex mari doono Gudiga Amniga Qaranka iyo Saraakiisha AMISOM, kaasoo looga hadli doono arrimaha ciidamada AMISOM ee dhowaan lagu wado in la geeyo Cadaado.

Dib u dhac badan ayaa ku yimid howlihii Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo arrintan loo sababeeyay caqabado ku imaanayay ansixinta Golaha Wasiirada iyo arrimo kale oo farsamo.

W/Q:: Hanad Abdi Faarah

Email: Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news