|

Hambalyo iyo Bogaadin ku dayasho Mudan oo ku Socota Ayan Mohamed Ali

Anigoo ah Mohamed Ali Aden  kana tirsam ururka Himilo International Civic Development agency oo shaqo badan ka hayo Somalia khaasatan galmudug, waxaan u hambalyeynayaa gabadheyda ayan Mohamed Ali oo dugsiga sare ee Langstaff, Canada ka soo qalin jabisay, isla sannadkaana ka billaabayso Medicine, York University qaybteeda Medicine, waxaan kaloo u hambalyeynayaa dhammaan ardada reer Galmudug ee sannadkaan ka soo qalin jabiyay dusiyada kala duwan ee magaalada Galkacyo iyo kuwa ka qalin jabiyay dhulka ka baxsan Galmudug, ha ahaato samalia gudaheeda ama dibaddaba, waxaana idinku boorinayaa in aad waxbarashadiina sii wadataan jamacadana gashaan.

 [cincopa AAOAD4qMCTlb]

Waxaan kaloo u mahad celinayaa dadkii noo soo hambalyeeyay, iyo wasaaradda waxbarashada Galmudug khaasatan wasiirka waxbarashada Burhaan oo nagu hogaamiyay in Galmudug ardada wax ka barato gaarto in ka badan sided kun oo arday, waxaana jeclaan lahaa in aan arko annago gaarno 10,000 (toban kun) oo arday oo wax ka barato dugsiyada Galmudug, labada sano ee soo socoto

 

Waxbarashadu waa asaaska nolosha, marwalba mujtamaca wanaagsan, horumarkana sameynayo dadkooda waxbartay ayaa ka badan inta aan waxbaran ee aan ku dadaalno waxbarashada.

Waalidku waa udub dhexaadka qooska, kullamaa ay aabaha iyo hooyadu ku dadaalaan waxbarashada ilmahooda, kullamaa uu qooskaas aflaxaayo. bal eeg masawirka ardada ka qalin jabisay dugsiga ay ka soo baxday gabadheyda oo sannadkaan ay ka soo qalin jabiyeen sedex boqol oo arday, waxaa joogay goobta xafladdu ka dhaceysay, dad kor u dhaafay kun iyo shan boqol, si ay ugala qayb galaan xafladda qalin jabinta ilmahooda, sababtuna waa mujtamaca oo qiimaynayo waxbarashada ee aan ku dadaalno waxbarashada.

 

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa  dadkeena dibadaha joogo in aan waajib isaga dhigno in aan wax barno dhow qof, xatta haday yihiin kuwa adiga dad kuugu dhow

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news