HANBALYO IYO BOGAADIN CALEEMO SAARKA SULDAAN MUXIYADIIN HASSAN CILMI FAGAAS
Waxaan ku bilaabayaa, magaca Alle ee kor ahaaday, ee naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba iska leh. Asalaama calaykum wa raxmatullaahi Walaalayaal.. Aniga oo ku hadlaaya Magacayga iyo midka qoyskaygaba, ahna Cali Xirsi Kaarshe Cali Gadaf, kuna magac dheer (CALI KABAYARE). Waxaan halkaan HANBALYO IYO BOGAADIN ugaga soo jeedinayaa SULDAANKA cusub Suldaan Muxiyadiin Xassan Cilmi Fagaas, oo loo caleema saaray inuu noqdo suldaanka, beesha SACAD/REER NIMCAALE. Suldaan Muxiyadiin Xassan Cilmi Fagaas oo magaalada gaalkacyo ee caasimada Galmudug state lagu caleemo saaray taariikhdu markay ahayd 12-04-2012.. Waxaan leeyahay, Suldaan marka hore ii ogoloow inaan talo walaaltinimo kuu soo gudbiyo si asluubaysan oo gacalnimo ku dheehan tahay.
- Suldaan xilka laguu duubay waa xil qaran maadaama aad qayb ka mid ah ummaada Soomaaliyeed laguu doortay inaad hogaamiso.
- Suldaan xilkaani waa masuuliyad laguu dhiibay, ugu shaqee dadkii kuu dhiibtay iyo dhammaan ummada Soomalaiyeed si daacadnimo ah ilaahay dartiis.
- Suldaan laga bilaabo markii lagu caleemo saaray ilaa inta aad haysid waxaad tahay masuul qaran.
- U adeeg dadkaada iyo dalkaaga si daacad ah, gaar ahaan Suldaan ka shaqee sidii aad ugaga qayb qaadan lahayd nabad soo celinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaanada Galmudug.
- Sulaad ka shaqee sidii aad u soo nooleyn lahayd hogaankii dhaqanka ee reer Galmudug ay caanka ku ahaayeen, una mideyn lahayd hogaankii dhaqan ee uguna samayn lahayd hogaan mideysan, iayadoo la soo celinayo hogaankii dhanta ahaa ee dadku lahaa.
- Suldaan ka shaqee una shaqee sidii loo heli lahaa NABAD, AMNI, KALA DANBEYN, IYO HORUMAR BULSHO.
- Suldaan anigoo og inaad la shaqyn doonto haddii Alle idmo Maamulka Galmudug state, waqtigaaga muhiimkaa inta badan sii sidii loola shaqyn lahaa Dawlada Galmudug State dib u soo celinta amnigana looga qayb qaadan lahaa.
- Ugu danbeyntii Waxaan Suldaan kaa codsanayaa inaad ku dadaashid, kana qayb qaadato sidii loo soo xuli lahaa cidii Galmudug state u meteli lahayd ergooyinka ansixinaya ama diidaya ee iskugu tagaya magaalada Muqdisho dastuur ku sheega dhowrka nin jeebka ku wataan, inay dadkaasi noqdaan dad aqoon leh oo fahmi kara waxa danta Soomaaliyeed ku jirto, diidina kara wixii ka hor imaanaya qaranimada, madaxbanaanida, iyo sharafta ummada Soomaaliyeed.
- Sidoo kale kuwa gali doona baarlamaanta Augost/2012 la dooran doono inay ayaguna noqdaan dad leh wadaninimo, daacadnimo, karti,iyo aqoon.
Waxaan ilaahay kaaga beryayaa inuu xilkaas kula garab galo aad ka mid noqoto kuwa ilaahay hooskiisa harsada maalinta qiyaamaha oo uu ugu horeeyo imaam daacad ah. AAMIIN, AMIIN, AAMIIN.. HANBALYO, HANBALYO, HANBALYO.. Ali Hersi (Ali Kabayare) Somali United Party (SUP) alibashir27@hotmail.com , alibahsir27@gmail.com Sweden/ Stockholm.