|

I.C.R.C oo Degmooyin katirsan Gobolada Hobyo iyo Mudug ka wada Mashruuc lagu hormarinayo Beeraleyda Galmudug

Degmooyin katirsan Gobolada Mudug iyo Hobyo oo ay ka socdo mashruuc lagu Hormarinayo Beeraha  Degmooyinka hada mashruucu ka socdo waxaa kamid dhanka Gobolka Hobyo Degmooyinka  Xero-dhagaxlay, Gawaan, Bacadweyne, Wisil, Qaranroow, Camaara, dhanka Gobolka mudug Ceel aqwaan Booraan Cadaka Buurcad iyo Buur madow oo in tuba ka tirsan Gobolda Hobyo iyo Mudug

Mashruuca Beerahaas lagu hormarinayo waxa uu isugu jiraa sida ay sheegeen qaar katirsan dadka deegaanadas Falida iyo rogida Ciida oo ICRCdu ay kireysay gaadidka beeraha ee looyaqaano Cagafta  abuursiinta Dadka oo la siinayo abuurkii beeraha Kushiimada dhulka lagu bacrimiyo iyo meelaha qaar oo lasiiyey matooro yar-yar oo Ceel gacmeedyada biyaha ka soo jiida,

Haya’adda ICRCda oo mashruucyo badan ka wada Gobolada Galmudug ayaa mid ka ugu qiimaha badan ee dad badani ay ku tiirsanyihiin waxa uu noqdey Beerida dhulka iyo dhiiro galinta dhalinyaradi shaqo la,aanta ahady iyadoo dhalinyaro badan oo ku hawlanaa Jarida dhirta oo dhuxul laga shidi jiray iyo kuwo kale oo Burcad badeeda galilahaa ay hada u soo jeesteen ka faa’deysiga Taageerada ICRC waxaana Degmooyinka beeraha laga sameeyey qaarkood hada iib geeyaan dalaga ka soo go’a Beerahooda mana han markii ugu horeysay ee icrc ay dhulka soomaaliya ka samayso Taageero caynkaan oo kale ah

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news