Dahabshiil-Gif
 
|

Idaacadda Codkamudug oo Gurmad Biyo Dhaamin Ah u Sameesay Dadka Ay Abaaruhu Saameyeen ee Gobolka Mudug Kunool-Dhagayso+Sawiro

Idaacadda Codkamudug Ayaa horraantan waxaa ay bilaabeen Barnaamij loogu magic-daray Gurmad iyo Gargaar Walaal looguna gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay ku saameeyeen deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug oo Ka Mid Ah Gobolada Ay Aadka U Taabay Abaartu.

 
Barnaamijkan Gurmadka ah ayaa waxaa Kaalinta ugu weyn ku leh dhageystayaasha Idaacadda Codkamudug ee Gaalkacyo oo iyagu ka qaybqaata Barnaamijka.

 
Wariyaal Ka Tirsan idaacada Codkamudug oo Kormeer Ku Maray Deegaanada Gobolka Mudug Ayaa Waxa Ay Soo Qiimeeyan Xaalada Adag ee Nololeed ee Ka Jira Deegaanada Gobolka Mudug islamarkaana Haysta Dadka Reer Galmudug ,Waxaana Durba Ay idaacadu Garatay inay Bilowdo Barnaamij Loogu Magac Daray Gurmad iyo Gar gaar Walaal oo Dhagaystayaasha Ay Kaalinta Ugu Muhiimsan Ku Leeyihiin.

 
idaacada Ayaa Dhagaystayaasha Ka Uruurisay Lacag Dhan 800$ Taasi Oo Maanta Ay Gurmad Biyo Dhaamin Ah uugu Sameesay Dadka Tabaalaysan.

 
Deegaanada Abaartu Saameesay ee Idaacadu Ay Gaarsiisay Waxaa Ka Mid Ah :Soone Taaroge ilaa Saxqurun, Buulaley,Qeydar Dhuunte Kalmurjeen ilaa Qooraseen.

 
Soone Ceeldheere ,Qabrifiigal,Garowde,Labi Sadex,Sanqoroxeed iyo Deegaano Dhowr Ah oo Gaajo iyo Haraad Ay Ka Jiraan.Waxaana Sidoo Kale Ka Mid Ah Soona Baxdo Gaabo

 
Agaasimaha Codkamudug Hanad Abdi Farah Ayaa Sheegay in Gurmadkan idaacadu Ay Bilowday uu Yahay Wareegi Koowaad islamarkaana idaacadu Ay Sii Wadi Doonto Dadaalka Ay Ugu Jirto Sidii Gurmad Dhan Walba Ah Loogu Sameen Lahaa Dadka Tabaalaysan ee Abaartu Ay Aadka u Saameesay.

 
Xirsi Yuusuf Bare Maayarka Gaalkacyo Ayaa idaacada Ku Amaanay Kaalinta Ay Ku Dhexleedahay u Gar gaarida Bulshada Waxaana uu Baraarujiyay Barnaamijkan Asagoona Ugu Baaqay Walalaha Somaliyeed ee Wax Haysta Ay inay iyaguna u Gar Gaaran Dadka Reer Galmudug ee Tabaalaysan.

 
Qaar Ka Mid Ah Waxgaradka Deegaanada Biyo Dhaaminta Laga Sameeyay Ayaa Aad ugu Mahad Celiyay idaacada Codkamudug Waxaana Ay Dalbadeen inaan intaan Looga Harin oo Lasoo Gar Gaaro Madaama Dadka Deeganaas Kunool Ay Abaarta Ku Ceertoobeen Noloshoodana Ay Adag Tahay.

 

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codadka

 

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news