|

iidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia ayaa isaga baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, iyadoo dhinaca kale Ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen deegankaasi

iidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia ayaa isaga baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, iyadoo dhinaca kale Ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen deegankaasi.

Wararka ka imaanaya degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna ay ka baxeen deeganka Wabxo  oo ay maalmihii u dambeeyay ku sugnaayeen Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna oo wata gabaabaad dagaal ay ka baxeen deegaanka Wabxo oo 40-KM dhinaca Koofureed kaga baagan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamadaasi ay baneeyaan deegaanka Wabxo, hase ahaatee wararku ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi ay u roqaansadeen degmada Guriceel ee isla gobolka Galgaduud.

Intaasi kaddib ayaa waxaa deegaanka gacanta ku dhigay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi durba ka bilaabay baaritaanno xooggan, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ahlu Sunna  ay horey u sheegeen in deegaannada ay baneynayaan ay ugu baxayaan sababo la xiriira xeelad dagaal.

Arrintaani ayaa waxa ay imaanayaa xilli Ciidamada Ahlu Sunna sidoo kale shalay ay ka baxeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasi oo iyana ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Al Shabaab markii ay ka baxeen Ciidamada Ahlu Sunna.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news